Advertisements

Guddoomiyaha Aqalka sare Soomaaliya oo bulshada ku dhaqan G/Sh Hoose ku booriyey in si nabad ah uga wada noolaadaan deegaanka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C / llaahi ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool magaalada Marka iyo Guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose in ay adkeeyaan Heshiiska laga gaaray coladaii mudada badan soo jiidameysay ee ka taagneed magalaada Marka una dhaxeysay Labo beel oo walaalo ah oo wada dega Gobolkaasi.

Mudane Cabdi Xaashi C / llaahi ayaa si gaara ah ua dardaarmay Odayaasha, Culimada iyo Waxgaradka magaalada Marka ine Dahraan heshiiska una dhaqaaqaan sida Ugu haboon ee loo dhaqan gelin karo loona yeero dadkii colaadahu ku barakacay si ay nabad iyo nolol ugu noolaadan.

Marka uu ka fadhiyo Gobolka Shabeellaho hoose iyo sida aan looga faa’ideysan ayuu Yiri “Soomaaliyey Gobolka Shabeellaha hoose inagu waxaan nahah Qiyaas ahaan 12-Milyan meelahaasi, waa Gobolka dhammaanteen aan degi karno ee ina raashimin karo (Ina quudin karo) , waa Gobol intauu ina quudiyo waliba Aduunka wax uga diri karno, maan garan dadka hadda degan ee tiradooda yar tahay waxay isku heystaan, Soomaali oo in ayaa degi karta oo ku filan. “

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Kabdi Xaashi C / llaahi wuxuu Yiri “Magaalada Marka Taarihhdeeda haddaan gadaal u raaco 1947-dii oo waqtigii guemeysiga uu joogay waxay lahayd Shan Warshadood oo soo saara wixii ka baxa deegaanka yacni Gobolka gaar ahaan degmada Marka wixii ka baxa ayaa lagu farsameyn jiray lona dhoofin jiray dibadaha, waan ka xumahay maanta io ka horba shantaa Warshadow dhammaantood wey baba’een. “

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi C / Llaahi Ayaa Sheegay in Dhibaatooyinkaasi Oo Dhan ee Gobolka ka jira ay keeneen talum xumo, isagoona Dhanka Grünkohl iny muhiim tahay inaan tahano oo und wanaagsan tahano und loo helo nabad iyo nolol dadka ay ku wada naaloodaan.

UGU danbeyntii, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Ayaa hadalkaan ka jeediyay Shirka DIB u heshiisiinta Beelaha DEGA degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose oo uu shalay Kaga qeyb Galay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo DIB u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ka qayb galay Ra’iisal wasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, Xildhibaanada iyo Odayaasa dhaqanka und ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxayna Odayaasha Dhakaqka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose kuna sugnaa shirka dib u heshisisinta ay balan qaadeen iney adkeynayaan Heshiiska, islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa loogana faa’ideysan lahaa Kheyraadka uu Illaahey ku maneystay Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeyneya sidii dib u heshisiin loo kala dhex digi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee saameynta ku yeeshay dagaaladii soo maray dalka

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: