Warssaxaafadeed Looga Hadlayey Arinta Degmada Balad Xaawo oo Kasoo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya,islamarkaana nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayaa u qornaa sidaan.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia, iyadoo ilaalinaysa danta Ummadda Soomaliyeed, dhowreysana deris wanaaga, isu furnaanshaha ganacsiga, isu socodka dadka walaalaha ah ee Beledxaawo iyo Mandheera dagan, waxay dadweynaha Soomaliyed guud ahaan, dadka dagan Beled Xaawo gaar ahaan, la socudsiinaysaa arrimaha soo socda:
1- In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” Ayaa Sheegay in Seddex jeer ay ka wada hadleen , asaga iyo dhigiisa Madaxweynaha Kenia SE Herr Uhuru Kenyatta Arinta ku saabsan derbiga laga dhisaayo inta u dhexaysa Beled Xaawo iyo Mandheera.
Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa ku kala biennaja xilliyada wedel ku xusan:
- 22. März 2017, Booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaalieu uu ku teagay magaalada Nairobi, Kulana kulmay dhiggiisa Kenia.
- 22. März 2018, Labada Madaxweyne waxa ay ku wada hadleen Khadka isgaarsiinta.
- 24. März 2018, Labada Madaxweyne Waxa ay Markale Ku Wada Hadleen Khadka Isgaarsiinta.
2- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Waxa ay isku afgarteen in Derbiga Dhisiddiisa la joojiyo.
3- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Waxa ay isku afgarteen in la sameeyo guddi wadaag ah oo labada dhinac ah ayna kala hoggaamin doonaan guddoomiyeyasha labada gobol ee Soomaaliya iyo Kenya.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay und taagan tahay ilaalinta danta ummaadda Soomaaliyed iyo deris wanaag ku dhisan xushmad dhaafsi.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.