Shirkan oo ah shir bishii mar ay issaga xog waraystaan ​​dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka horumarada iyo cqabadaha dadaallada adeegyada muhiim ka u ah nolosha lagu gaarsiinayo deegannada laga xureeyay maleeshiyada Al-Shabaab.
Shirkan waxa ka qeyb galay Wasiiro dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Soomaaliya, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga, Wasiiro ka socday Maamul Goboleedyada, Madaxda Hejadaha ka shaqeeya xasilinta iyo beesha Caalamka
Shirkan waxaa si gaara ah diiraddda loogu saaray ahmiyadda Amiigu u leeyahay xasilinta sida uu sheegay Wasiiro Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudah Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye.
Waxyaabha aan ka hadalnay maanta waxa ka mid ahaa in Hey’adaha Amniga ay warbixin naga siiyeen hawka ay waxmarayaan qaabka ay u qorsheeyeen in dowladdu AMISOM ugala wareegto Amniga, anagana waxaan wada hadalnay sida xasilintu uga qeyb qaadan karto Amniga macnaheedu waxa weye xasilintu waxa ay ka shaqeysay dhamaan deegaagada laga xureeyay Al-Shabaab sidii adeegii bulshada loogu soo celin lahaa amnigana waa u muhiim “Wasiiro Dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa sidaasi yiri
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo ka mid ahaa Wasiirada ka socday dowlad goboleedyada ayaa tilmaamay in shirkan uu muhiim yahay xalka caqabadaha horyaala xasilinta.
Dowladda Federaalka oo kaashanaysa dowlad goboleedyada dallka ayaa dadaal ku bixinaysa sidii adeegyada aas aasiga ah ay heli lahaayeen dadka ku nool deeganada laga xureeyay Al-Shabaab.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.