Advertisements

Magaalada Muqdisho oo maanta ka furay shir looga hadlayo dib u eegista barnaamijka Cadaaladda Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wararada Cadaaladda XF Soomaalieya Ayaa loo qabtay xubno ka socday qeybaha Cadaaladda sida Maxkamadaha, Xeer ilaalinta, qareennada iyo asluuba, iyadoo furitaankiisa ay ka qeybgaleen.

Waxaa kaloo shirkan ka soo qayb galay wasiirrada Cadaaladda ee maamul-goboleedyada, gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, taliye ku xigeenka ciidanka Aslubta, Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Iyo Wasiirka Cadaalada ee XF Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Ahmed Cali Daahir Ka Hadlay Munaasabaddii Furitaanka Shirkaasi Ayaa Sheegay in Ujeeddada Shirkan Ay Tahay Sidii Loo Heli Lahaa Qorsche Howeedka Sadexda Sano ee Soo Socota, Isagoo Tilmaamo Ka Bixiyay Ahmiyadda Shirkani und Leeyahay Horumarinta Caddaaladda Dalka ..

Wasiada Cadaaladdda ee dowlad-goboleedka Puntland Saalax Xabiib oo ku hadday magaca maamul-goboleedyada ayaa sheegay in maamul-goboleedyada ay baahi weinen und qabaan helitaanka goobiha Caddaalada isagoo ammaanay dadaallada waaadada Cadaalada ee XF Soomaliya ay ku bixineyso hagaajinta garsoorka dalka ..

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya Avv. Xasan Xaaji Oo Shirkaasi Furay Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Qorshayaasha Wasaaradda Ee Kuwajahan Horumarinta Cadaaladda, Wuxuuna Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay in Shirkani und Ka Soo Bixi Doonaan Natiijooyin Loo Aayo.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa daba socda shir hore loogu qabtay Muqdisho oo looga hadlay hurumarinta hannaankarsoorka dalka, iyadoo go’aannadii shirkii hore ee ka soo baxay lagu sii falanqeyn doono shirkan maanta ka furmay Muqdisho.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: