Advertisements

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee  Soomaaliya oo dalbaday in Xarunta Aqalka la keeno Ciidamo AMISOM ah oo suga Amniga.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulankii maanta ee Golaha yeesheen ka dhax sheegay in ay dalbadeen ciidamo AMISOM ah oo suga Amniga golaha.

Guddoomiyaha Ayaa Sheegay in Arrintan Ay Muddo Soo Socotay, Isla Markaana Huray Codsi Ugu Direen AMISOM, Kana Soo Jawaabeen Sida Uu Hadalka u Dhigay.

“Aqalka Sare go’aan ayaa ka gaaray arintan oo uu la leeyahay waa in der keenaa AMISOM, qoraal baan u dirnaay, waana naga soo aqbaleen, waa sugeynaa” ayuu ka hor sheegay golaha Cabdi Xaashi.

Ammaanka Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Nabad-sugida Qaranka, waxana haddii AMISOM la wareegan ammaanka xaruntan ka mid noqoneysa meelaha ay ammaankooda gacanta ku hayaan.

Xarunta Aqalka Sare Ayaa ku taal degmada Shiqis, gaar ahaan xaruntii Kuleejo Nouve Somalee ee agagaarka KM-0, Kuna Dhow xarunta dhexe ee nabad-sugida Qaranka.

Codsiga Aqalka sare ee ah la sugo la soo diro ciidamo suga Amniga golaha ayaa imanaya xili xasarad adag ay ka dhax jirto xildhibaannada Golaha Shacabka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: