War naga soo gaaray magaalada Bazdhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in hogaamiyayaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab isku dhiibeen ciidamada dowladda ee ka dagaaalama gobolka.
Horjoogayaashan oo ka soo goostay xogagga Al-shabaab ee gobollada Baay iyo in ay iskaga baxeen Al-shabab islamarkaana hadda wixii ka dambeeya ay ku biireen dowladda Soomaali lana dagaalami doonaan Al-shabaab.
Xubnaha ka soo baxay Al-shabaab ee dowlada isku soo dhiibay ayaa waxaa ka mid ah Macalin Geedow Aadan Abuukar oo ah hogaamiye Al-shabaab u qaabilsanay gobolka Baay, sidoo kale waxaa uu ahaa taliyaha dagaalamayasha Al-shabaab ee gobolkaasi sida sheegtay.
Macalin Geedow Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu la socdo Cabdiraxmaan Fiiloow oo ahaa hogamiyaha Al-shabaab ee gobolka Gedo sababtana ay uga soo baxeenna tahay in Al-shabaab badaleen fikirkii markii hore lagu dagaalamayay.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale waxaa isku soo dhiibay hogaamiyaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ku eedeyay Al-shbaaab in ay hareer mareen fikirki la aaminsanaa in lagu dagaalamo.
SomaliSwiss     Baydhabo
SomaliSwisshotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.