Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Ahmed Ciise Cawad ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Ruanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa kula gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi .
Wasiir Ahmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay Madaxweynayaasha Ruanda Herr Paul Kagame, Kenia Uhuru Kenyatta, Dschibuti Ismail Omar Guelleh, Sudan Herr Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, SĂĽdafrika Herr Cyril Ramaphosa, Gabun Herr Ali Bongo Ondimba, Tschad SE Herr IdrÄ«s DaybÄ« ItnĹ«, Ghana SE Herr Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Marokko SE Herr Saadeddine Othmani.
Axmed Ciise Cawad Ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed „Farmaajo“, ISAGA oo UGA sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo Ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii Dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha Dalka Loogu Saldhigayo Deganaansho Ammaan, Siyaasad Iyo Kebac Dhaqaalle.
Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Ayaa Isaga Oo Fulinaya talooyinka Wax ku oolka ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Ayaa Waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku Yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha dalalka Ruanda, SĂĽdafrika, Gabun Iyo Ghana.
SomaliSwiss   Nairobi
SomaliSwisshotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.