Wafdi ka socda hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee IOM ayaa booqday xarumaha lagu dhaqan celiyo xubnaha ka soo goosta Al-shabaab.
Wafdiga waxaa kormeerkooda ku wehlinayay Wasiir Kuxigeenka Amniga Koonfur Galbeed, C/risaaq Cabdi Aadan iyo Taliyaha Hay’adda NISA ee Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow, iyaga oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee xarumahan.
Markii ay soo dhameyteen kormeerkooda ayeey kulan gaar ah magaalada Baydhabokula qaateen ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen, sidii lagu ballaarin lahaa xarumaha Al-shabaab lagu dhaqan-celiyo ee ku yaal magaalada Baydhabo.
Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa dowladd Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka dhisan ka caawiya goobaha lagu dhaqan-celiyo Al-shabaab, kuwooda isa soo dhiiba.
 SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.