Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo maanta dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis.

Waddo la furay.jpg1Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdiso Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

Waddo la furay

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada.

“Tani waa bilow Waxaan ku soconnaa in Dhammaan Waddooyinka Xiran Loo Furo Shacabka, und Loogu fududeeyo Isku Socodka Dadweynaha Iyo Gaiadidka Caasimadda, Inti Amni Looga Maari Waayo Mooyee, Sidaas Daraadeed, Shacabka Waxaa Laga Rabaa in Ay Isku Diyaariyaan Dhismaha Waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay noga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan. “Ayuu yiri Guddoumiye Yarisow.

Duqa Muqdisho Waxuu Sheegay in Furitaanka Waddooyinka Ay Kaalin Muhiim ah Ka Qaadan Karaan Amniga Iyo Horumarka Caasimadda, Shacabka Soomaaliyeed auf Looga Fadhiya in Doorkooda und Ka Qaan Sidi Ay Magaalada Muqdisho Ula Tartami Lahayd Caasimadaha kale ee adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Ayaa baaq u Diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta Guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga Qaadi doono cidii arrimahaas lagu HELO.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: