Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Saraakil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa xalay kormeer ku tagay Saldhigyada Booliska degmooyinka H / wadaag, Hodan iya Dayniile, isagoo und kuur galayay sida ay socoto howlaha sugida ciidamada.
Ciudamo gaar ah oo loo diyaariyay sugida amniga caasimadda oo isugu jira Boolis, Nabadsugid ijo Militari ayuu ka dalbaday in ayu diyaar garoobaan sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la hadlay ciidamo gaara ah oo loo diyaariyay sugida amniga Muqdisho, isagoo kula dardaarmay inay xaqiijiyaan amniga Caasimadda, kana hortagaan falalka amni daro iyo weerarada Al-shabaab.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada ka qeyb qaadanaya sugida amna, waxaana uu u muujiyay taageero, isagoo ku hadlayay magaca Madaxweynaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa todobaadki hore kormeeray saldhigyo ciidan, sida saldhiga booliska degmada Huriwaa oo ay ku sugan yihiin cidam boolis ah oo ka qeyb qaata sugida amniga.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.