Advertisements

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo Maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta kormeer Shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Mudane Mahdi ayaa waxaa Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf (Al-Caddaala) und Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaaradda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa intaa ka dib waxa uu kulan la qaatay Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Mudane C / raxmaan Iidaan Yonis io Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta C / raxmaan Sh. Yuussuf (Al-Caddaala), Isagoo Ka Dhagaystay Krieg Bixin Ku Aaddan Howlaha Shaqo Ee Ay Wasaaardu Du Havso Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa kulanka kaddib booqday qaybaha kala duwan ee ay Warbaahinta Qaranka ka koobantahay oo uu horreeyo kaadka baaxadda ween ee Radio Muqdisho, isagoo bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda.

Waxaa farxad weyn ii ah in Wasaaradda warfaafinta aan eego habka shaqada ay ugu socoto Wasaaradda, Wasiirka Agaasimaha guud io Agaasimayaasha waxaan soo kormeernay qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, waxaan ku ammaanayaa heulen wadeennada keydka sida ay und xafideen taarikhda Umama Soomaaliyeed “ayuu yiri Mudane Mahdi .

Mudane Mahdi Maxamed Gelehrter (Khadar) Ayaa Intaa Raaciyay in Sanadkan 2018-ka Uu Yahay Sanadkii Shaqada Iyo Watsuqa, Wuxuuna Heulen-wadeennada ku boorriyay Inay la Yimmaadaan Howlarnimo Dheeri ah, Wuxuuna Sheegay Inay Wasaaradda Warfaafintu Tahay Hagaha iyo jiheeyaha Ummada Soomaaliyeed, waxanay ku Jirtaa Kaalin Muhiim ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Howl-wadeennada Wasaaradda wuxuuna kula dardaarmay inay dedaalkooda sii labla jibbaaraan, wuxuuna faray dhabar adayg ino ka dhabaeeyaan hal ku dhigga ah hadal yar iyo heulen badan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: