Â
Xildhibaannada Aqalka sare ayaa kulan ay maanta ku yesheen magalaada Muqdisho, waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in shirkadda DP Welt aysan dalka Soomaaliya ka howlgali karin.
Waxaa Ogolaaday xeerka 28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday halba 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C / Laahi Ayaa Warbaahinta u Sheegay in Xeerkan uu ka Gudbay Golaha Aqalka Sare Wixii Hadda Dambeeyana uu u Gudbay Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaliya, waxanaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay dalka.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.