Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ooTababar u xiray maanta Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C / raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generale C / llaahi Cali Caanood ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka tababo mudo hal sano socdag ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.

Gaadi-ciyaar iyo dhoolatus Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay vffffGoobta ku soo bandhigeen Ciidamada, Waxaana Tababarkaas Bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaac dalka.

Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generale Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sharxaad kooban ka bixiyay mar Xaladihii ay soo Mareen Mudadii Tababrka u socday.

“Tababar aad iyo aad u fiican bey qaateen, waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa macalliminitiy tababartay iyo sida ay awaamirta ay u qaateen, waxay ahaayen 200, inta badan dipishiliin iyo Aqlaalq xumaa meesha looga ceyriyay, waxaan und rajeynayaa ciidanka DANAB inyy ku guuleystaan ​​hadafka ay leeyihiin una gutaan waajibkooda, Shabaabna meel walba ay joogaan und taga doonaan, ” Ayuu Yiri Generaal Maxamed Maxamuud gesund.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C / laahi Cali Canood oo ka Hadlay Munaasabada ayaa Ku ammaaney macallimiintaTababrkaasi Bixiniyay sida ay u diyaariiyan Ciudamada kuwaaso ka qeyba qaadan doona Howlalada dalka looga si feynayo maleeshiyaadka Al-Shabab.

Wuxuu sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee DANAB inay yihiin cutubkii shanaad, wuxuuna ku ammaanay Ciidamada DANAB sida geesinimada leh ee Al-Shabaab ula dagaalamayaan ugana sareen deegaano badan oo dalka ka mid ah.

Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C / raxmaan oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey Cutubyadii qaatey Tababrka und katirsan DANAB inyy diyaar-garowbaan Difaac Dalka.

“Waxaad ka Mid noqoteen Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto Bulshada Soomaaliyeed, waxaad ka Mid noqoteen ciidamada DANAB oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha” ayuu yiri Wasiirk Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Scheich C / Raxmaan.

Waa Dufcadii 5-aad ee Ururka DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Tababar ku qaata Dugsiga Janeraal Dhaga-Badan ee Maqaalada Muqdidho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: