Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari u gudbiyay guddoumiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka.
Xildhibaanada oo soo saaray warqad qoraal ah oo ay warbaahinta und Akhriyeen ayaa ujeedka Mooshinkooda waxaa und ku sheegeen Mitte kalsoonida lagala noqonayo guddoumiye Jawaari.
Siduu qoraalka mooshinka ay xildhibaanada u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka, guddoumiye Jawaar aayay xildhibaanadani ku eedeeyeen arrimo ay ka mid yihiin in uu hareer maray dastuurka dalka, taas oo ay sheegeen in ay waxyeeli karta qarannimada Soomaaliya.
Waxaa kale oo ay ku eedeeeyeen xadgudub ka dhan ah xeer hoosaadka baarlamanjka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddiga adeegga Baarlamaanka.
Gadddoiye Jawaari Wali Kama Uusan Hadlin Eedeymaha Uu Xambaraarsan Yahay Mooshinkan Oo la Sheegay in Xildhibaanadu Ay und Gudbiyeen Ku Xigeenka Koobaad Ee Guddoonka Baarlamaanka.
Xildhibaanada Mooshinka ka wada guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa tioadooda lagu sheegay ilaa 100 Xildhibaan.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.