Mudanayaasha golaha Aqalka sare ee Soomaliya ayaa lagu wadaa in fadhigooda ay maanta uga doodaan xeerkii maalin ka hor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.
Fahidhigoodii maalintii shaley ayeey u suurtagalin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka hadleen weerarkii lagu qaaday Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), balse maanta ayay mar kale ka doodayaan arrinta DP World.
Xeerkan ayaa haddii ay meel mariyaan Xildhibaannada Aqalka sare waxaa uu u gudbi doonaan madaxweyaha Soomaaliya madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka.
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuuna leeyahay masuuliyad sharci-dejin.
Sidoo kale Xildhibaanada Aqalka sare Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya Xeerka dhowriyadda Gobanimada iyo midnimada Soomaaliya.
Kulankaan Maanta Aqalka sare ee Dalka ay ku yeelanayaan Xaruunta ay ku shiraan  ayaa la filayaa in ay go,aan ka qaataan Xeerka dhowriyadda Gobanimada iyo midnimada Soomaaliya.
Xildhibaanada Aqalka sare Soomaaliya ayaa waxaa horyaala Xeerka dhowriyadda Gobanimada iyo midnimada Soomaaliya kaasoo 12 bishaan ay meel mariyeen Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya ka dibna loo gudbin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.
Xildhibaan Maxamed Aamiin oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ee Dalka oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa faah -faahin ka bixiyay kulanka Aqalka sare ee Dalku Maanta ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.