Advertisements

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo iskaashanaya oo saaka weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Wirkooy ee gobolka J/hoose,

Ciidanka XDS.JPGCiidamada Xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa saaka weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Wirkooy ee gobolka J/hoose, halkaa oo ay saldhig ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab.

Ciidanka XDS.JPG1.JPGWeerarkan ayay saraakiisha ciidamadu sheegeen in ay ku bartilmaameedsanayeen saldhig ay isku urursanayeen Al-shabaab oo ku yaalla deegaanka Wirkooy.

Taliyaha ciidamada Jubbaland ee aagga Buulogaduud ayaa HOL u sheegay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Wirkooy, islamarkaana uu jiray iska horimaad dhexmaray ayaga iyo maleeyshiyaadkii Al-shabaab.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dhankooda uu dagaalka uga dhaawacmay hal askari, isagoo xusay in dhanka Al-shabaab ay gaarsiiyeen qasaarooyin, islamarkaana ay deegaanka kala baxeen maleeyshiyaadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarka.

Lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda deegaanka ayaa weli ah mid cakiran, waxaana halkaasi gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa xoogga dalka iyo Jubbaland, ayadoo ay saraakiishu sheegeen in howlgalladu ay leeyihiin bar tilmaameedyo gaar ah, ayagoo lagu soo waramayo in maleeyshiyaadka Al-shabaab ay sidoo kale isku soo abaabuleen sidii ay uga hortagi lahaayeen duulaanka.
SomaliSwiss          Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: