Xildhibaanada haweenka ee ku jira Labada Aqal oo ka hadlay doorka ay haweenku ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

haweenka.jpg3

 Xubnaha ka socday baarlamaanka oo ka qeybgalay munaasabadaasi waxaa kamid ahaa Maryan Macalin isxaaq iyo Farxiyo Muumin oo ka socday Golaha Shacabka, Siciido Xasan Cusmaan und Jawahir Axtmed Cilmi oo ka socday Aqalka Sare iyo xildhibaano kale. 

 haweenka.jpg1Xildhibaanadan Waxay ka Hadleen kaalinta ay ka geysan karan horumarka dalka, dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, Dowladnimada iyo Difaaca Dalka.

 ‘’Haweenka Soomaaliyeed meelkasto ay joogaan waxaa dadaal loo galay 30% in ay ka helaan baarlamaanka Soomaaliya,hadda waxaa soo socota doorasho kale oo dalka ka dhici doonta,marka hadii aan u diyaar garowno dadaal aan gelino aan midnimo muujino maal maskas iyo karti intuba waxbadan ayaa inoo qabsoomaya’haweenka Soomaaliyeed dor muuqda ayay ka qaateen horumarka iyo dhismaha dowladnimo.

Taasi oo ku timid halgenkii aan bilownay lixdankii,maanta dalkeena wuxuu u baahanyahay badbaado iyo halgenkii in la soo celiyo, waxaa la rabaa in dhaqaalaha nalaka xiro,in aan dagaalano in aan isdilno,dalkaan anagaa iska leh, dalkaan hooyaa badbaado u ah’. Ayay tiri Senator Jawahir Axmed Cilmi.

Haweenka soomaaliyeed ayaa la aaminsan yahay in ay muujiyeen doorkii ay ku lahayayeen bullshada, iyagoo muddadii dalka und burbursanaa ay si gaar ah isaga xil sareen sidii loo baadin lahaa nolosha qoysaskooda oo ay soo mareen duruufo adag.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: