Advertisements

R/wasaare ku-xgeenka XFS iyo Ra”iisul wasaaraha Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada Dal.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulleed iyo wafdigiisa oo ku sugnaa Dalka Hindiya ayaa Kulan gaar ah la yeshay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaasi Hindiya Narendra Modi.

Kilanka oo ka Dhacay xafiiska Raiisal Wasaaraha Indien Narendra Modi ayaa mas’uuliyiintan waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya iyo in Hindiya dal ku galkeeda und fududayso dadka Soomaliyed ee soo safra Dalkeeda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya gaarsiiyay salaan uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Mohamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka shekeyeyay taarichhda dhinaca dhaqanka ee Hindiya iyo Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in Xukuumadda Neu-Delhi ay Soomaaliya kala shaqayso taageeridda iyo sidii loo cawin lahaa dadka hayaanka dheer usoo gala badigoobka Waxbarasho iyo cafa, in der Mitte von Caafimaadba, loona sahlo in ay si fudud u Helaan Dal Ku Galka Indien.

Waxaan la kulanay Ra’iisul wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayte dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda; Shacabka Soomaaliyeedna loogu fududayn lahaa dal ku galka Hindiya “ayuu yiri mudane Mahadi Maxamed Guuleed R / Wasaare ku-xigeenka Dalka ”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ra’iisul wasaar Modi, ayaa balan qaaday in Hindiya ay Soomaaliya und dhow ugala shaqaynayso xiriirka iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa dibloomaasiyadeed, wuxuna tilmaamay in kulankani albaab cusub und furayo xiriir dhow oo dhex mara labada dal.

Wafdiga Ra’iisal waraare ku-xigeenka Soomaaliya oo weli ku sugan Hindiya ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ahaa ee ka faa’idaysiga khayraad dabiiciga ah ee Tamarta, kaasi oo ay si wada jir ah soo qaban qaabiyeen Dowladaha Indien iyo Farsaniiska.

Safarkan shaqo ee Hindiya oo qaadanaya mudo 4 cisho ah waxa Ra’iisal wasaaraha kuxigeenka ku wehelinaya Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha Pro. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiiru dowlaha Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Abdulqadir Ahmed Khayr, Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Waaxda Asiya Shirwac Abdulaahi iyö Xildhibaan Biixi Iimaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka.

SomaliSwiss Neu-Delhi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: