Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi oo ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya.

Muuse BiixiiMadaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Marki Ugu Horeysay Ka Hadlake Hadalkii Ka Soo Yeedhay Xukuumadda Soomaaliya Oo Uu Kuu Tilmaamay Dagaal Uu Ku Soo Qaaday Somaliland.

Madaxweyne Muuse ayaa und adag uga hadlay hadaladii Ra’isal wasaaraha Soomaliya Xasan khayre kaga hor yimid heshiishka saddex geesoodka ah ee Dekadda Berbera, waxaanu ka shekeyeye taarichh dheer ee Somaliland iyo Soomaaliya soo wada mareen.

“Dhayal, Faan-Faan Iyo Raalli-Gelin Siyaasadeed Bucht Kaa Ahayd, Laakiin Ladh Iyo Dacar Iyo Wixii Nasoo Gaadhay Bucht Kicisay, Maantana Colaad Horleh Iyo Dagaal Baad Abuurtay, Waxaana Aanu und Qaadanaynaa Inaad Dagaal Cad (Kriegserklärung) Kusoo Qaadday Somaliland, Diyaarna Waanu Kuu Nahay. Xorriyadda Somaliland-na kaftan ma gasho, annaana Berbera xukuma, noolaan maysid, horumar samayn maysid, cidna lama hadli kartid, sidee baad noogu quudhay, laakin war baadan hayyn. “Ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo si adag uga hadlay hadaladiii ka soo baxay madaxda Soomaaliya .

Waxaanu intas ku daray “maantana iclaan dagaal baad qaaddaye guddoon, heshiiskaasina wuu hirgelayaa, Berbera-na caalamka oo dhan baa isugu imanaaya, ninna marti ugama nihin, dalkii aanu naftayada und hurnayna waanu ka baayac-mushtaraynaynaa, kulana heshisis gelaynaa, faankaaga iyo kelmedaha aad tidhina wixii aad ka qaddo ee aan xumaan ahayn baanu kaa eegaynaa. “

Madaxweynuhu waxa ua sidaas ka sheegay munaasibad ay soo qabanqaabiyeen haweenka reer somaliland oo loogu dabaaldagayey 8 märz oo ah maalintii haweenka ee aduunka.

Madaxweynuhu waxay hadalkiisa qiiro galisay haweenkii madasha fadhiyey, waxaana ka muuqday iyagoo Ilmo iska tiriya, isla markaana ka qiiraysan hadalka madaxweynaha ka DIB MarkII uu madaxweynuhu ka sheekeeyey saami qaybsigii lixdankii, xasuuqii ka dhacay Somali iyo dagaaladdii dhexmaray xukuumaddii Siyaad Bare iyo xoogagii jabhaddii SNM, waxaanu Sheegay in hadalka madaxda Soomaaliya ka soo yeedhay xasuusinayaa nabaro ay ka bogsadeen.

SomaliSwiss       Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: