Advertisements

Magaalada London oo maanta ka furmaya shir looga hadlayo wax ka qabashada Abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya.

LondonMagaalada London ayaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo wax ka qabashada Abaaraha soo noq noqday ee dhuftay dalka Soomaaliya Sanadihii la soo dhaafay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya dowlado kala duwan iyo hay’adaha deeq bixiyayaasha, waxaana Soomaaliya shirkan ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xalay ka dhacay magaalada London kulan hor dhac u ah shirkan maanta ka furmaayo oo ay isku arkeen wafdiga Dowladda Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ingiriiska, waxaana ay kulankooda uga hadleen sidii Soomaalida London ay gacan uga geysan laheyd Abaaraha Soo noq noqday ee Soomaaliya ku dhuftay.

Shirkan oo ka furmaya xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Ingiriiska ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo la xiriira sidii loo kordhin lahaa qeylo dhaanta loo sameynayo Soomaaliya iyo sidii loo qorsheyn lahaa deeqaha Soomaaliya ee 2018-ka.

Jamaal Maxamed Xassan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo gooni gooni ay la qaataan wafuuda kala duwan ee shirkaan ka soo qeyb galeysa, wuxa ay kala hadli doonaa Xaaladaha Bini`aadannimo ee dalka Soomaaliya ka jira.

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: