Advertisements

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in goor dhow la billaabi doono Dhismaha Aqalka Golaha Barlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaalieya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii hueissay ka hadlay qorsha lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ku burburay dagaaladii sokieeye.

Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay taleefishinka dowladda ee SNTV oo lagu qabtay Muqdisho, ayna kasoo qeybgaleen papa badan ayaa la weeydiiyay sababta muddo sanooyin badan ah loo dhisi la’yahay.

Jawaari ayaa yiri “Gurigaas waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudanyahay in uu yeses guri u dhigma (meeqaamkiisa) oo magaalo madaxda ka dhex muuqda, lacag badan ayuu u baahanyahay, waxaa ist weeydiin mudan sababta aan u dhex fadhino isaga oo jajaban “.

Jawaarig ayaa intaasi kutaray in xikmaddu tahay in maadaamaa und dadka burburiyeen, in awa ku waano qaataan, maaina kastana ay xusuus und noqoto marka ay burburkiisa arkaan, und aanan markelle loo burburin, isaga oo xusay in sida gurigaas und burburay, vagina maskaxdooda und Burburtay.

Jawaari Wuxuu Sheegay in Guriga gabi Ahaantiisa la Burburin Doono, Baarlamaankana und Guuri Doono Meel Kumeelgaar ah oo Uu Kusii Shaqeeyo, Kadibna la Bilaabi Doono Dhismaha Guriga.

“Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu und baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $ 60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galaya, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso “ayuu yiri Prof Jawaari.

Guddoomiyaho oo ay dhif io naadir tahay in der warbaahinta la hadlo, ayaa dadweynaha uga jawaabayay su’aalo badan oo ay ka qabeen arrimaha baarlamaanka.

Guriga Golaha Shacabka ayaa la dhisay xilligii dowladdii kacaanka, guddoumiye Jawaarina waxa uu xusuustaa maalmihii wacnaa ee uu soo maray oo ay ka mid tahay markii gurigan lagu qabtay shirkii Midoowgii Afrika.

Horey Waxaa und jiray guri kale oouu baarlamaanka Sooomaaliya lahaa oo lagu shaqaynayay 1960-ki iyo ka hor, kaas oo ku yiilay meel und Dhow Daljirka Dahsoon, balse hadda waa uu burbu-ray, waxa kaliya ee ka haray ayaa ah darbiyo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss2hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: