Advertisements

Magaalada Muqdisho oo ka furmay Shir looga hadlayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Shir wadatashiShirka wadatashi oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga Soo laabtay ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shir wadatashi.jpg1Shirkaan oouu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomyaha Gobolka Banaadir C / raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C / naasir Siciid Muuse, Wasiu ku-xigeenka Wasaaradda Qorşheynta iyo iskaatiga caalamiga ah Wasiirka Howlaha Guud Iyo Guryetina Saadaq C / Ilaahi Cabdi Iyo Xubno Ka Socda Ururada Bulshada rayid.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saaraya saidi wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanaya magaalada Muqdisho iyo sidii xuquudooda und heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C / Raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), Oo Ugu Horeyn Ka Hadday Shirka Ayaa Sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka Go’an Tahay Sidii Loo Garab istaagi Lahaa Dadka Barakacayaasha Ee Ku Nool Magaalada Muqdisho Kuna Heli Lahaayeen Xuquuda Ay leeyihiin.

“Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga taschanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ine ka qeyb qaatan sidii dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabanaya wachs loogu qaban lahaa.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Eng: Saadaq C / llaahi Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa “Waxaan qayb ka qadaan doonnaa sidii aan uga shaqeyn lahayn dib u dejinta, shuruucda dhulanka ay degi lahaayeen (Landpolitik) iyo wixii shaqo ah oo Wasaaradeeda kaga soo aada arimaha barakacayaasha “

Sidookohl, Wasiirka Ku-xigeenka Amiga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C / naasir Siciid Muuse oo shirka ka furmay Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay ine dadka Barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka ay und nugul yihiin dhibaatooyiinka, madama ay und shalan tahay ine dibada uga baxaan iyagoo aan ist Difaaci Karin.

Maamul Gobolka Banaadir Ayaa Dadaal Ugu Jira Sidii Loo Maareyn Lahaa Barakacayaaasha Ku Sugan Magaalada Muqdisho Iyo Qaxotiga dib u soo laabanaya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: