Magaalada Muqdisho oo maanta soo gaartay diyaarad sida 76 qof maxaabiis oo laga keenay Hindiya.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay 76 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo laga keenay dalka Hindiya, kuwaa oo noqonaya qeybtii labaad maxaabiis laga keeno dalkaas.

OLYMPUS DIGITAL CAMERARa’iisul Wasaare ku -xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweeyay maxaabiistan garoonka diyaaradaha.

Bishii Janaayo ayeey aheyd markii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho 41 maxaabiis ah oo dib looga soo cecliyay dalka Hindiya.

Maxaabiis.JPG3.JPGCiidamada Hindiya ayaa dadkan ka qabtay xeebaha Soomaaliya toddoba sano ka hor, waxaana markaasi kaddib la geeyey magaalada Mumbai ee dalkaasi Hindiya waxaana lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Saddex ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegay in ay horey xabsiyada waddankaasi ugu dhinteen.

OLYMPUS DIGITAL CAMERADawladda Soomaaliya ayaa si weyn isugu howshay soo daynta maxaabiista Soomaalida iyadoo horey maxaabiis looga soo daayey dalka Itoobiya, waxaana tallaabadan soo dhaweeyay inta badan bulshada Soomaaliyeed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: