Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Burundi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi ayaa ka wada hat xiriirka labada dal iyo sidii lu sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saarayo dhaka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha.

“Waxaan Uga Mahadcelinayaa Cidanka Burundi in Ay Nafoodova Noo Huranan Ay Uga Qeyb Qaataan Xasilinta Soomaaliya, Taasina Maahan Mittel Aan Ilaawi Donno” Ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankii uga mahadceliyey dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal.

Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, Tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaliyed si ay und hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Burundi.

Gaston Sindimwo Ayaa Sheegay in ay Soomaaliya und Arkaan Dal Ay Walaalo Yihiin, Ayna und Hayaan Abaal Ay Soomaaliya Huray Ugu Gashay Hadda Kahor, Maruu Dalkiisa Burundi Ku Jiray Xaalado Adag.

Madaxweyne ku-xigeenka burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah und fidiyey Madaxweyne Farmawajo inuu ku yimaado dalka burundi, und ihre hadalaan danaha labada wadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu fidiyy Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu sheegay in dalka Burundi uu yahay dal Wachsbaan garab istagay Soomaaliya dalkiisana uusan ilaawi doonin abaalkaasi.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: