
Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%.
Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakiil uga ah arrimaha dekadaha dalka oo dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay caddeynaysaa;
1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya Aysan Qeyb Ka Ahain, Cidna Aysan und Wakiilan in Heshiiskaas Lala Saxiixdo Shirkadda DP World.
2. In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed
3. In habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidaas darteed, annaga oo kuskanayna qodobada kor xusan, Waxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ay caddeynaysaa in hashiiskaasi yahay Mid Wax kama jiraan ah, Waxayna ka digaysaa in heshisyada noocan oo kale ah ee baal marsan shuruucda dalka iyo kuwa Caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay Soo Dhaweynaysa Cid Walba Oo Dooneysa in ay maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay caddaynaysaa in haya’daha dustuuriga ee dalka oo kaliya, sida Xukuumada Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go’aan ka gaarista iyo ansixinta heshiiskan iyo kuwa noociisa ah .
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.