Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galay shir Safiirada Suudaan ee Caalamka.

Wafdi uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray dorraat Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan.

Wasiirku waxaa garoonka Caalamiga ah ee Khartuum ku soo dhaweyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule iyo Qaar ka Mitte ah Diplomasiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Suudaan.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa Khartuum ka qeyb galay shirka 7-aad ee Safiirada Suudaan oo muddo 4maalin ah ka socoday Khartuum, iyadoona uu shirka soo xiray Maxdaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaaan Cumar Xasan Axmed AL-Bashiir.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukumadda Soomaaliya oo Warbaahinta Karanka la hadlayay ayaa sheegay Suadaan inuu yimid dardar galinta heshiis ay horay wada galeen labada Wasaaradood ee Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Suudaan. Iyo sido kale inuu kormeera Shaqaalaha Safaradda Soomaaliya ee Suudaan.

Gababdii Shirka 7-aad ee Safiarda Suudaan ayaa waxaa Bilad sharaf la gudoonsiiyay Wasiiski hore ee Arrimaha Dibada ee Kenia haatana ah Wasiika Waxbarashada Kenia Aamino Maxamed oo shirka lagu Casumay.

SomaliSwiss Khartoum

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: