Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Farmaajo SafarMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmawajo iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caaşimadda dalka Uganda, halkaas oo Maalinta berri ah ka furmi doono shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta ciidamada Soomaaliya.

Farmaajo KampalaShirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada Alshaabaab, tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.

Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha jooktada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb ge laya shirkan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu hor dhigo doono qorşhe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib Du Dhaka Cidamada.

Madaxweynaha Oo Maalmihii ugu Dambeeyey Kormeer Ku Tagay Xarumaha Gaaashaandhigga, Nabad Sugidda Iyo Booliska ayaa Kala hadli Doona Beesha Caalamka in ay Kala Shaqeeyaan hirgelina istaraateejiyadda, Maadama ay Ka Tarjumeyso Rabitaanka Dhabta ah ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mursal Maxamed Sheekh C / raxmaan oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shirka ayaa yiri “Shirkan waa mid muhiimad gaar ah u leh qorsheyaasha la xiriira dib und dhiska ciidanka, iyadoona DFS ay u gudbineyso Madaxda shirkan qorshe cad oo ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ugu soo bixi lahaayeen masuuliyadda difaaca dalkooda,  Taas oo Madaxweynuhu ka codsan doono in ay ku taageeraan. 

Sidoo kale, shirka intuu socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu madaxweyne farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, iyadoona uu kala hadli doono sidii u dardar gelin lahaayeen taeagerada und ku siiyaan dfs dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Alshabab.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb gelaya Shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mursal Maxamed Sheekh C / raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas C / wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakil ka tirsan ciidanka. .

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: