Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dalka Spain.

Farmaajo iyo SpainMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraqaha Aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Spanien u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan wasiu ku-xigeenka wasaaaradda arimaha dibadda dowladda federaalka Sooomaaliya iyo diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadday xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Spanien ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo Ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso dowladda federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u Kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo Kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danijre Javier Garcia De Viedma Ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Spanien Felipe Juan Pablo Oo Dhigeysa in einem Garab Taaganyihiin Shacabka Iyo Dowladda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: