wafdigii uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaare Kheyre oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Caawa Fidkii Gaaray Magaalada Abu Dhabi Ee Dalka Isu Tagga Imaraadka Carabeta, Halkaas oo und Bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadan donta.

Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa goroonka diyaaradaha magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta ijo Warshadaha dowladda Isutagga Imaraadka Carabta Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei

Xasan Cali Kheyre Ayaa Booqsho Labo Maalin Ah Halkaasi Ugu Bilaabatay, Isagoo Inta Uu Joogo Wadanka Isu-Tagga Imaraadka Carabta Kulama La Qaadan Doono Madaxda Dalka Iskutaga Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Karanka Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno Grünkohl.

Ra’iisul waräre Xasan Cali Kheyre ayaa madaxda dalka isu-tagga Imaraadka Carabta kala hadli doono Arrifo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka und dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya und Dadaal Xooggan Ugu Jirta Xoojinta Xiriirka Dhinaca Diblomaasiyadda Ee Kala Dhexeeya Dalalka Caalamka.

SomaliSwiss Abu Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: