Caasimadda dalka Uganda oo lagu qaban doono shir ay ka qeybgalayaan madaxda dalalka ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha UgandaDowladda Dalka Uganda Ayaa Sheegtay in bisha März 2deeda ay marti Gelin Doona Shir gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee Heulen galka Midowga Afrika (AMISOM).

Kulanka ayaa daba socda shir bishii September ee sanadkii 2017 ka dhinac furtmay shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey wird ka Dhacay New York, kaasoo uu marti geliyay Madaxweyne Museveni.

Warbaahinta Dalka Uganda Ayaa Sheegeysa in Shirka Dhacaya 2-da Bisha März Looga Hadli Doono ist Dhaafsiga Fikradaha Ku Aadan Xaalada Soomaaliya iyo Muttaqbalka Heulen Galka AMISOM oo 10 sano jirsaday.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii hore ogolaaday qaraar lagu dhimayo Ciidamada AMISOM, iyadoo bisha soo soota filayo in qeybtii und horeysay ee Ciidamo AMISOM laga saaro Soomaaliya.

Shirka ka Dhacaya Kampala ayaa looga haddi doonaa xaalada Soomaliya, iyadoo diirada lagu saari doono doorka AMISOM iyo sida loo sii wadi karo, qorshaha kala guurka iyo maalgelinta Ciidamada AMISOM.

Wakilo ka socda Midowga Afrika, Xogheynta Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Ururada Gobolka, shan xubnood oo ka socda Guddiga Joogtada ee Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan shirkan.

Waxaa-jiri-doona-shirar-horudhac-ah-oo-yeelan-doonaan Wasiirada-difaaca, Arrimaha-Dibadda-ee-dalalka-Ciudamada-ka-jooga Soomaaliya, waxaa-kaloo-dhici-doona-shirar ay-qaadanayaan Taliyeyaasha-Ciidamada.

Howl galka AMISOM ayaa wajahaya dhaliilo la xiriira in aanay wali soo afjarin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ay wali muuqato qatarta Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo ka geysanaya magaalada Muqdisho iyo meelo kale.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: