Ciidamada AMISOM oo qeyb ka ah xasilinta Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa leysku afgartay in ay qeyb ka noqdaan ciidamada xasilinta Caesimada oo markii hore ka koobnaa Ciidamo ka tirsan Nabad sugida, booliiska iyo kuwa Milatariga.

Kilan shalay dhaxmaray Wasiiradda Amniga iyo taliyayaasha ciidamada ayaa la isku raacay in ciidamada AMISOM qeyb ka noqdaan ciidamada xasilinta ee ka howlgala Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Ayaa Sheegay in Ciidamada AMISOM qeyb ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta Caasimada ee heulen galada ka wada Muqdisho.

Waxa uu mar kale ku celiyay Wasiirka Amniga Gudaha in einem la ogoleyn gudaha Muqdisho gaadiidka ay saaran yihiin hubka culus iyo kuwa ay la socdaan askarisch badan, waxa uuna tilmaamy in markan si adag luo dhaqan gelin doono go’aankii Golaha Wasiiradi.

Wasiirka Amniga Gudaha ma sheegin in ciidamada AMISOM qeyb ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta ee ku sugan koontaroolada yaala gudaha Muqdisho iyo in ay ka qeyb qaadanayan howlgalada gaarka ah.

Goaaankan ka soo baxay dowlada ayaa kusoo aadaya xili labu hate ka hor weerarro isugu jira ismiidamain iyo mid toos ah ka dhaceyn magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Madadooyada.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: