Advertisements

Shirkii Wasiiradda Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo lagu soo gaba-gabeeyay dalka Suudaan.

Waxaa magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo madaxda hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo Beeraha ee (FAO).

Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kaloo xiritaankii ka soo qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba sii hayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule,iyadoo muddada shanta cisho ah ee uu socday looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaari lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola dagaalami lahaa gaajada iyo macluusha.

Shirkaan oo dowladda Soomaalilya uu u matalaayey Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xusseen ciid ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta  waxa uu sheegay in shirkaasi  xoogga lagu saaray waxqabadka hey’adda FAO ee dhinaca Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan horumarka mustaqbalka dhow oo ah sidii loo dardargelin lahaa  adeegyada beeraha .

SomaliSwiss      Khartoum

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: