Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xog-hahaha Guud ee Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga Mudane Hayrettin Gungor iyo wafdi uu hoggaaminayey.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Dawladda Turkiga kaalinta ay ka qaadatay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Benaadir iyo dadaalka dheer ee ay ku bixisay biileda iyo qurxinata Muqdisho.
Kaddib, munaasabad kooban oo soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar, Xog-hayaha iyo wafdigiisa waxa ay maamulka Gobolka ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaaha ee ka dhaxeyea Dawladaha Hoose ee Turkiga iyo dhiggoda Gobolka Benaadir. shaqo abuurka dhallinyarada iyo sidii ay khibaradeha shaqada isu wydaarsan lahaayeen shaqaalaha Dawladaha Hoose ee labada dhinac.
“Muhiimad gaar ah ayey noo leedahay booqashada maanta ay noogu yimaadeen wafdigan, sababtoo ah waxa ay saldhig u tahay howlaha dar dar, gelinta aan ku sameynayno shaqada Dawladaha Hoose ee degmooyinka Gobolka iyo sidii und daadajin lahayne adeegyada asaasisaga, maadaama dawladda Turkigu ay kaalin muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska magalaada Muqdisho. “Ayuu yiri Guddoumiye Yarisow.
Xog-hayaha guud ee dawladaha hoose ee dalka Turkiga ayaa dhankiia uga mahad celiyey maamulka iyo bulshada Gobolka sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, isagoona tilmaamay sida ay uga go’antahay dhankooda in ay kaalin muhiim ah ka qaataan horumarinta bilicda Caasimadda Muqdisho, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada gobolka Benaadir.
Kulanka waxaa Guddoomiyaha Gobolka Wahelinayey Ku Xigeennadiisa Armmaha Bulsha Marwo Basmo Caamir Axmed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax).
Dhinaca Turkiga waxaa kasu qeyb galay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Olga Bekar iyo saraakil ka tirsan Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.