Warara ka imaanaya degmada Jamaame ee gobbolka Juba Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal iyo ciidamo ajanabi ah oo aanan walla la aqoonsanin ay waaberigu Talaadada Maanta warar burburiyeen Saldhig Ururka Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen.
Duqeyntan ayaa waxaa und gaar ah loola beegsaday xero millitari oo ururka al-shabaab ay ku leeyihiin degmada.
Goob joogayaal ku sugan jamaame ayaa sheegay in saakay aroortii mar qua ay ku soo toseen iyada oo jaigiga uu ist beelday, islamarkaana dhka saddhiga ay ka maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan io güxa diyaaradeha, taasi oo dadka qaarkood ku qasabtay in ay barakac sameeyaan.
Warar madax banaan ayaa sheegaya xilliga ay duqeynta dhaceysay in saldhiga ay ku sugnaayeen Saraakil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo waday qaban qaabo ku aadan shir magaalada Jamaame uga furmaya saraakil ka tirsan Al-shabaab.
Mitte ka Mitte ah dadka deegaanka ayaa ku warama sida tan “Weerarka wuxuu ka dhacay meel und jirta degmada Jamaame 5-KM, xero Shabaab ay dekan yihiin ayay aheyd, lama ogaan karo khasaraha dhhta ah, halkaasi waxaa isugu yimaada saraakiisha Al-shabaab, dadka degaanka Duqeynt Weg saameysay, cabsi ayeey muujiyeen, shacabka qaarkood barakac ayeey sameeyeen, gabi ahaan waxaa Xiran isu soccodkii magaalada.
Ilaa hadda Lama oga Dalka laga leeyahaya diyaaradahan duqeynta fuliyay, sidoo kale waxaanan la xaqiijin karin khasaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqeentan, maadaama xilli Aroor ah ay aheyd.
SomaliSwiss Kismaayo
SomaliSwiss @ hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.