Advertisements

Xarunta maamulka gobolka Banaadir Oo Ciidamo Ilaalisa la geeyey.

Xarunta dowladda HooseXarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa la geeyey Ciidamo Ilaalisa oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas la sheeegay in ay sugayaan Amniga xarunta.

Ciidamada la geeyey Xarunta Gobolka Banaadir ayaa isugu jira Nabadsugid iyo Ciidamada gaarka ah ee dowladda.

Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii xalay saqdii dhexe ciidamo fara badan lagu hareereeyay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye Taabid oo xilkan hayay muddo ku dhow sagaal bilood, iyadoo lagu bedelay Wasiirkii Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow)

Dowladda Federaalka ayaa ku dhiiratay inay soo afjarto xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir, inkastoo aan la ogeyn halka uu xaalka ku dambeyn doono.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: