Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u magacaabay gobolka Banaadir guddoomiye Cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa gor dhaw warepto uu soo saaray u magacaabay guddoumiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo horay u ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale waxaa dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.

Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha: –

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudäne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo

-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka und Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoĂźe dich magacaabay xilalkakala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Ing. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

Maxamed Cabdullahi Maxamed Waxaa Loo Magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

Hussein Mohamed Nurwaxaa Klo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka & Maaliyada;

  • Marmo Basma Omar Ahmed Waxaa Loo Magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
  • Aadan Sheikh Cali Fidoow Waxaa Klo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud
  • Xoghayaha Guud Waxaa Klo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Xil ka qadistan ayaa imaneysa kaddib khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay guddoumiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo madadtooyada Soomaaliya.

 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: