Advertisements

Kulan lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo ka socda Muqdisho

Kulan Qado ah oo lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C / raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa ka socota magalaada Muqdisho gaar ahaan Maqaayadda Xeebta Liido.

Kulanka soo dhoweyna ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C / raxmaan Yariisow Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Xildhibaanada, waxgaradka io Dhaqanka Beesha Mudullood, waxaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed K / llaahi Maxamed Farmaajo ayaa Eng; C / raxmaan Cumar Osmaan Yariisow und magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir und Duqa Muqdisho, waxaana sidoo kale la magacaabay Guddoumiye ku-xigeenadiisa.

Odayaasha dhaqan ee ka qeyb galaya kulanka soo dhoweynya ayaa la filayaa ine hadalo ka jeediyaan Kulanka oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin u magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng; Yariisow.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: