Advertisements

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Arrimaha bani’aadannimada.

Wasiirka Cusub QoorsheyntaWasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Arrimaha bani’aadannimada.

Wasiirku wuxuu sheegay in Abaarihii dalka ku dhuftay khasaare hantiyadeed ahaan in ay ku qiyaaseen Soomaaliya in ay ku weysay lacag dhan 3.25 Billion oo Dollar, taasi oo u kala baxeysa dhibaatada abaarta ay geysatay iyo colaadaha.

Sidoo Kohl Wasiir Jamaal Ayaa Sheegay in Dalka AY ka Howlgalaan in Ka Bad Labaatan Iyo Saddex Hay’adood oo UN-ka ah, Kuwaasi oo la Kala Shaqeeya Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn.

Wuxuu Sheegay Hayaad Kasta in Lagula Xisaabtamayo Lacagta Soo Gasho, Waxaa Ay Qabato, Xaga Ay Rasmi Ahaan Uga Shaqeyso, Lacagaha Loo Balan Qaaday, Si Arrimahan Oo Dhan La Isugu Soo Uruuriyo, Oo Ay Noqdaan Kuwo Waxtar Leh.

Wasiirka Qoursheynta ayaa sheegay tan iyo 2011-ki Soomaaliya in loogu deeqay lacag dhan 4,6 Milliarden Dollar, Soomaaliyana aysan weli ka muuqan lacagtaasi, wela ay jiraan xaalado bini’aadanimo.

Sida uu qorshaha yahay bishan dhammaadkeeda Muqdisho waxaa imaanaya Madaxda UN-ka iyo Banka Adduunka, iyaga oo ka qeyb galaya shir Muqisho ka dhacaya, und lacagaha la qeybinayo loogu sameeyo jiho toosan.

17-kii Januar 2018 Hay’addaha Qaramada Midoobay und qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in 1,6 Milliarden US $, loo baahan yahay si loogu caawiyo papa gaaraya 5,4 Millionen oo qofood, kuwaas oo u baahan gargaar.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.co m

Advertisements
%d bloggers like this: