Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada oo maanta lagu ansixiyey Shariciga Shaqaalaha Rayidka ah.

shirka Golaha WasiiradaShirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyy Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tuba Siyaasada Loo Dhanyahay, islamarkaasna waxaa looga hadlay arrimo oo la xiriira amniga dalka .

Ugu Horreyn, Golaha Wasiirada ayaa soo Dhoweeyey Wasiir Maxmaed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga io Warshadaha oo usbuucii hore safar shaqo ku maqnaa.

Wasiirka Amniga iyo Wasiiru Dawlaha Gaaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in Howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan (20) maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay bis 17-ki Janaayo ee 2018 ku tagey degmada Balcad si’uu ugu kuur galo xaalada amaan ee deegaankaasi, ein dhiiri geliyo ciidamada sugaya amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ayaa golaha warbixin kasiiyey Shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay Dalka Turkiga oo ay Labada dal soo Kala saxiixdeen heshisyo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo Turkigu ay diyaar yihiin in badeekooyinka Soomaaliya loo suuq geyn doono dalkooda, Iyadoo labada dal ay kawada shaqeynayaan sidii canshuur dhaaf loogu sameyn lahaa badeekooyinka laga dhoofiyo Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa xiriiriye und noqonaya labada guddi si loo dar-dargeliyo dhaqan gelinta heshiisyadaas oo 1-da ilaa 4-ta Feberaayo la sameyndoonoo carwo lagu soo bandhigo badeecadaha Soomaaliya.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ayaa kawarbixiyey xaalada maxaabiista Sooomaliyeed ee ku xiran Indien oo 43 ah, xabsiga laga soo daayey oo Dawladda Federaalku und diyaarineyso diyaarad souqaado und ay yaadaada dalkoodii hooyo.

Sidoo kalena maxaabiista harsan ayaa la soodeyndoonaaa bisha Febraayo. Dawladda Ayaa Ku Dadaaleysa Sidi Muwaadiniinteeda Ugu gurman Laheyd.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka faah-faahin ka bixiyay xaalada saadka iyo qiimeynta ciidanka, waxuuna tilmaamy inay u diyaar-garoobeen howlgalada koaxada argagaxisada ah looga si feynayo dalka, sdioo kalena waxuu sheegey inay meel fiican und marayaan in la soo gabo gabin doono dagaalka Alshabaab.

Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka Ayaa ka warbixisay xulista Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka iyo heerarkii uu soomaray oo Guddi 19 xubnood ah ay soo xuleen iyadoo araajidii soo dalbatay ay ahaayeen 615, kadibna xulis lagu sameeyey lagana soo reebay 74 xubnood iyadoo ay Goob joog ahaayeen xubno ka socda G / Shacabka ich Aqalka Sare, Bulshada Rayidka Aha iyo beesha caalamka und ao kormeerayeen sida daah furnaanta aah ay xulistu u socotay.

Ka dib 45 ayaa und soo gudbay heerka xulashada oo xog-wareysi lala yeeshay lagana soo xulay xubnihii noqon lahaa Guddiga Xaquuql Insaanka oo marka ay soo dhameystiranto la horkeeni doono golaha wasiirada kulamadooda dmbe si loo ansixiyo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa golaha wariirada uga warbixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah oo uu Sheegay in Wachs-kabelimkii wasiiradu horey und codsadeen lagu soosameeyey, lagala tashaday khubaro sharciyaqaano ah. Dood dheerka dib Golaha Wasiirada ayaa si’aqlabiyad ah und ansixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah.

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan soo celinta adeega.So oo dhowaan lagu soo warejindoono gacanta dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay guddi heer sare acho loo xilsaaray und dadaalo farabadan ka dib in ay ku guuleysteen in der isla oggolaaday in dhowaan la soo warejiyo adeegaas oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha siiyei warbixin ku aadan Tuben Siyaasada loo dhanyaho oo Guddi Hoosaadka G / Wasiirada Muddo ka soo shaqeynayeen.

Khubaro ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey tuba Siyaasada loo dhanyahay oo qeexejewa waqtiyeynta la rabo in soo habo-gabeyey hawlaha xasaasiga ah ee siyaasada dalka, si loo qabto doorashooyin hal cod io hal qof ah sanadka 2020ka.

Golaha Wasirada Ayaa Dod Dheer ka Dib Ansixiyey Tubta Siyaasada Loo Dhanyahay Oo Muhiim und Ah Geedi Socodka Doorashooyinka Dalka ee 2020ka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: