Magaalada Dhuusa-Mareeb oo ka socta qabanqaabada soo dhaweynta Farmaajo iyo munaasabada heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Farmaajo DhuusamareebMagalaada Dhuusa-Mareeb Waxaa ka socta qabanqaabada munaa sabad Ballaaran oo lagu wado in Lagu Dhameystirō heshiiskii horey u Dhaxmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Dhuusa-mareeb.jpg1Galmudug Iyo Ahlu Sunna Ayaa Ku Heeshiiyay in Labada Maamul La Mideeyo Kaddib Wada Hadalo Ka Dhacay Jabuuti Laguna Soo Gabababeeyay Xarunta Madadxtooyada Villa Soomaaliya.

Dhuusa-Mareeb ayaa waxaa saacadaha soo socda gaari doona wafuud kala duwan oo ka socta dowladda dhexe iyo Madaxda dowlad gobolleedyada oo dhamaantood goob joog und noqon doona dhameystirka heshiiska labada dhinac.

Madaxweynaha dowladda Soomaalieya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axtmed Ducaale Geel Xaaf, hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan, Wasiiro Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sidokale la filayaa in ay ka qeybgallaan munaasabada.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan Ayaa Noqonaya Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug, Taasu Meesha ka Saareysa Jirintaanka Maamulkii Gobollada Dhexe.

SomaliSwiss      Dhuusa-mareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: