Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Dhuusa-Mareeb ee xarunta M/ Galmudug.

Farmaajo DhulkaMadaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C / laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo Ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Farmaajo dhulka.jpg1

 Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo socdaal dhulka ah ku Maraya gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaasi oo loogu sameeyay Munaasabad casho sharaf ah.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu U tagayo Dhuusa-Mareeb Ayaa qeyb ka ah sidii uu UGA qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku Kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

MADAXDA GOBOLADA-.jpg2Magaalada Dhuusa-mareeb wanaaa ku soo qulqulaya wufuud kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo ka qeyb qaadashada heshiiska dhameystirka ah ee Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb Ayaa si AAD ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa Weyn lagu daadiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug, ciidamada Ayaa xalay sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa INTA uu ku sugan yahay Galmudug waxaa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha Kala Duwan ee bulshada.

SomaliSwiss      Dhuusa-mareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: