Advertisements

Shir-sanadeedkii 48aad ee horumarinta dhaqaalaha Adduunka oo ka furmi doono magaalada Davos ee dalka Switzerland 23ka Jennaayo 2018da.

WeltwirtschaftWaxaa magaalada Davos ee dalka Switzerland ka furmi doono 23kh – 26k Bisha Jennaayo 2018da Shir-sanadeedkii horumarinta dhaqaalaha Adduunka, waana Kulankii 48aad.

DavosMagaalada Davos ayaa ah magaalo loo dalxiis tago xilliga Jiilaalka ee uu Barafku da’o, sidoo kale magalaadan ayaa ah midda kaliya sanad-kasta lagu marti geliyo Shirka Caalamiga ee lagu gorfeeynayo dhaqaalaha Adduunka.

Haddaba waa maxay himilada ijo Ujeedooyinka loogu hadli doono Kulanka Shirka ay isugu imaan doonaan Wadammada Caalamaka badinkooda?

Sidaas darteed waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaho hoos ku qoran:

  • Dib u cusbooneysiinta mustaqbalka waxyaabaha la isticmaala.
  • Dhaqaalaha digitaalka ah iyō horumarinta dhaqaalaha Bulshada.
  • Amniga Cimalada iyo soo saarka dabiiciga ah.
  • Waxbarashda, Jinsiga iyo Shaqada.
  • Xoogga Korontada.
  • Nidaamka Maaliyadeed Iyo Ilaalinteeda.
  • Amniga waxa la cuno io Wachs Beeraschada.
  • Caafimaadka Iyo Gargaarka Caafimaad.
  • Krieg ist-Gaarsiinta Iyo Sugnaanta
  • Ganacsiga Caalamiga ah Iyo Maalgelinta.
  • Maalgelin Waqti Dhir ah, Dhismo iyo Horumarin.
  • Wachs Soo Saarka.

Davos.jpg1Ha yeeshee wararka naga soo gaaraya Soomaaliya ayaa sheegaya in Wafdi ballaaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la sheegay inay ka qeybgali doonaan shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi und ka furmi doono Dalka Schweiz.

Shirka oo ay ka qeybgali doonaan hogaamiyaal ka kala socda wadamada Caalamka ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya und kujirto, wuxuuna furmayaa bishan Janaayo gudaheeda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Afrika, waxaana lafilayaa in uu kulama la yesesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha.

SomaliSwiss        Zürich

WQ: Dr. Axmed Dhicisow Daauud

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: