Guddoomiye Taabit oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb.

Taabit Galmudug.jpg1Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed io Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, halkaasi und wien loogu soo dhoweeyay.

Taabit GalmudugGuddoomiye Thaabit ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaja Wasiiru Dowlaha madaxooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Macalin Nuur, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale.

Taabit Galmudug.jpg3Soo dhoweyn ka dib Guddoomiyaha Gobolka Banaadir io wafdigiisa ayaa loo gudbiyay xarunta madxtooyada ee magaalada Dhuusamereeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaasi oo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka kaga horeeyaan.

Magalaada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inuu gaaro madaxweynaha Jamhauiyadda Soomaaliya halkaasi oo lagu qabanayo shir labu dhaqan gelinayo heshiiski ay wada gaareen maamulka Ahlu suna iyo Galmudug oo si rasmi ah la isugu darayo.

Taabit Galmudug.jpg2Taabit Galmudug.jpg4SomaliSwiss    Dhuusa-mareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: