Guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan oo Xabsiga degmada Dhuusa-mareeb loo taxaabay.

Guddiga Doorashooyinka.JPG1Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud Ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca halkaa ku xireen guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey).

Gadiid ay la soctay guddoomiyaha oo ka anbaxay degmada Guri-ceel Ayaa lagu joojiyay Koontaroolka laga-galo degmada Dhuusa-mareeb kaddibna la xiray iyada iyo shaqaalihii guddiga ee la socday.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu Sunna oo la hadlay VOA Ayaa beeniyay in la xiray Xaliimo Yareey, laakiin waxaa ay sheegeen cid in oo kasta soo galeysa degmada baaritaan lagu sameeyo guddoomiye.

Ilo madaxa-bannaan Ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu xabsiga dhigeen guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan iyo xubno ka tirsan guddiga, waxaana hubkii ay wateen laga qaaday ilaaladii la soctay

SomaliSwisss Dhuusa-mareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: