Advertisements

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo sheegay in cafis sharuud ku xiran u fidineyso siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Soomaaliya

astaanta-qaranka2Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in Cafis sharuud ku xiran und fidineyso siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Soomaaliya.

Cabdiciis Xildhibaan afhayeenka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dowladda Soomaliya und cafis du sameyneyso siyaasiyiin dowladda uegu eedeysan Qaran dumis, haddii und joojiyaan dhaqankooda la xiriira wachs duminta iyo baabi’inta rajada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ee dowladdu ay isku afgarteen in siyaasiyiintan lala xisaabtamo hat hddii ay dhacdo in mar kale ay soo celiyaan falka hadda ay ku eedeysnayeen.

Afhayeenka wasaaradda amnigu ma sheegin magacyada siyaasiyiintan uu sheegay in dowladdu ay cafiska fidineyso.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaan weli ka jawaabin cafiska shuruudeysan ee dowladu u fidisay waxana vati baan ay aaminsan ineysan soo dhoweyn doonin oo ay halkooda ka sii wadi doonaan waxyaabaha ay dowladu ku dhibsatay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: