Wasiirka Cadaalada oo Xariga ka jaray Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta oo la dayactiray.

Xarunta C. AsluubtaWasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji Iyo Taliyaha Ciidanka Asluuba Sooomaaliyeed S / Gaas Xuseen Xasan Cismaan Ayaa Xariga Ka jaray Xarunta Taliska Ciidanka Aslubta ee Ex Kontrolle Afgooye oo Dayactir Lagu sameeyay.Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Saraakil ka socda Ciidanka Asluuba iyo kuwa Xoogga dalka ayaa ka qeyb galay Munaasabada xariga looga jaray xarunta Taliska Ciidanka Asluuba ee Ex Kontrolle Afgooye.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji Shuaegay in Guul ay Tahay Dib u Howgalinta Xaruntan, Isagoona amaanay Taliska Ciidanka Asluuba oo Muddooyinkii Ugamambeyeay ka Shaqeynayay Sidii Loo Dailyakiri Lahaa Xaruntan Oo Burbursaneyd tan Iyo Markii Dagaalka Sokeeya Uu Dalka Ka Dhacay.

Taliyaha Ciidanka Aslubta Soomaaliyeed S / gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa munaasabada ka sheegay in dhamaan hoggaanada ciidanka Aslubta ay ku shaqeyn doonaan xaruntan oo noqon donta mida ugu weyn.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: