Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

astaanta-qaranka2Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmai deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sou, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuurud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay und joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq und diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadeha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadhii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayin deenaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhakaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka.

Dawladda Federaalka Waxey Ugu Baaqeysaa Dhammaan Qeybaha Ay Khuseyso Inaan Wadajirkeenna Iyo Isku Xirnaanteenna Adkeeyno Oo Aan Khilaafkeenna Ku Xallinnaa Si Nabad, Wadahadal Iyo Dib-U-Heshiisiin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: