Wasaarada Waxbarshada Dalka ayaa sii wada howlaheeda Dar dargalinta ee Waxbarshada Dalka iyadoo maanta la kulantay Maamulyaashada Jaamacadaha gobolka Banaadir aqoon yahano iyo macalimiinta waxaana looga hadlayay kulankaa Tayeynta Tacli sarei ee dalka maadaama tirada Ardeyda dhigato jaamacaha laga osemayo kobac aad u balaaran.
Waxaa ugu horreyntii ka hadlay kulan lataliyahay Wasiirka Waxbarshada waxaa uu sheegay in Jaamacadaha ay qeyb weyn kaso qaateen heerka Waxbarshada Dalka isla markaana wali ay sii wadi doonaa dadaalkaas wasaarraduna ay ku amaaneyso.
“Hadii aysan jiri laheyn jaamacadahaan hadii aan la aasaasi laheyn wey ka sii badnaalheed dhibaatada hada sida ay tahay ama waxay qeyb weyn ka qaadan lahaayeen nabad gelyo xumada dalka ka jirta” ayuu yiri lataliyaha.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa tilmaamay in hiigsiga wasaaradu uu yahay mid Aad uido sidoo kale ay gabo gabo marayaan Bugaagtii Dugsiyada hoose iyo dhexe oo ku Qoran manhaj mideysan.
“Buugaagtii ayaa la qurayaa hada buugii afaraad ayaa socdo kan Dugsiga dhexe waa la qorayaa waxaan gacanta ku haayaa aqoonyahano iyo qaar kamid ah jaamacadaha sanadka soo socda waxaa lagu bilaabi donaa manhaj mideysan ‘”
Wasiirka Waxbarshada Xukumada Soomaaliya C / raxmaan Daahir Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in Wasaarada Waxbarshada ay ka go’antahay tayenta Waxbashada dalka loogana baahanyahay in Jaamacada ay sare u qaadaan Ardayada dhigata Dudsiyada ku yaala dalka
“Anaga wasaarada waxbarshada wey naga go’antahay in aan soo celino dalkaan waxbarshadiisa wey jiraan caqabado yar balsamo markaan jaamacaadku waxaa laga rabaa in ay sare u qadaan tayeynta tacliinta dalka anaga diyaar ayaa ula nahay wax walbo”
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.