Advertisements

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee XFS oo codsaday in lagu taageero gudashada waajibaadkiisa

Dhaar Wasiirro cusubWasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhruuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, danjirayaal, diblomaasiyiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah duqowda dhaqanka ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilkiisana loo dhaariayay.

Soo dhoweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb qaattay Prof. Ali Mohamed Gedi Ra’iisul wasaarihii hore Xukuumaddii FKMG ah ee Soomaaliya, Mr. Abdulwahab Ugaas Hussein Ugaas Khalif Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo xilka kala wareegi doona Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay, waxaanu carabaabay in dalku ka gudbayo marxalado kala duwan, una tallaabayo heer shacabku dareemo kalsooni ay ku qabaan dowladdooda.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa muujiyay niyadsamidda uu ku qabo inuu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isaga oo kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda H.E. Mr. Hassan Ali Khaire kalsoonida ay siiyeen ee ah magacaabiddiisa, waxaanu codsaday in lagu taageero geedi socodka uu ku xoojin doono howlaha Wasaaradda, Ergadeeda iyo Siyaasadda Dibadda.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: