Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Farmaajo Garoowe.jpg3Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay garoonka diyaaradaha Garoowe oo loogu magac-daray Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Farmaajo Garoowe.jpg5.jpgMunaasabada Furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin faro badan oo ka kala socday dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qaar ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Farmaajo Garoowe.jpg4Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ciidamada Puntland ayaa lagu arkayaan xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana ay wadaan hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Magaalada Garoowe, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā  Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

One Response

  1. Ahmed Sharif killer

    Like

Comments are closed.

%d bloggers like this: